War Saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay inay Madaxtooyadda soo dhoodhoobtay Ergadaasi Been abuurka oo la doonayo inay si sed-bursi ah ku boobaan Xubinta Jufada Absuge ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socdo.
Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido ayaa horey u soo saaray Saami-qeybsiga Jufooyinka Beesha Wacaysle ee xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, iyadoo Beesha Cali Gaaf ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saami u heleen xubinta Qoondada Haweenka.
Madaxweynaha ayaa baal maray Qeybsiga Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, wuxuuna musuq-maasaqay Kursiga Jufadiisa ee u gaarka ah Haweenka, isla markaana uu doonayo inuu si sed-bursi ah u leexsato xubinta Jufada Absuge ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Ilo-wareedyo ayaa sheegayo in Ergadda Been Abuurka ilaa shalay lagu daabulayey gawaarida  Madaxtooyadda, kuwaasi oo la isugu geeyey Baarka Mogadishu Guest House oo  uu leeyahay Ganacsade ay isku hayb yihiin Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.
Qabanqaabaadda Ergadda Been=abuurka waxaa si wadajir u abaabulayo Gnaacsade Yaasiin Dhagool oo ah Milkiilaha Baarka Mogadishu Guest House iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim oo uu adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Saadaq Macallim C/kariim ayaa ku soo baxay Xubintii Jufada Cali Gaaf ee loo qoondeeyey Koontada Haweenka ku leeyihiin Barlamaanka
Dhinaca kale, Waxgaradka, Aqoonyahannadda iyo Duubabka Dhaqanka ee Jufada Absuge ee Beesha Wacaysle waxay ka digayaan inay Madaxtooyadda Somalia mas’uul ka noqon doonto cawaaqib-xumid ka dhalata Ergadda Been Abuurka ee ay Madaxtooyadda maanta  u soo daabulayaan Cadaado, si ay u boobaan Kursiga Jufada Absuge ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
©Radio Dalsan