Madaxweyne Farmaajo iyo RW Ethiopia, Haile Mariam Desalegn ayaa xalay kulan ku yeeshay Addis Abeba, oo ay kaga hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Dardar-gelinta Iskaashiga Hawlgalka Alshabaab.
Labada Hoggaamiye waxay yeesheen Kulan miro-dhal noqday, waxayna isku aragti ka noqdeen arrimihii ay ka wada hadleen.
Qoddobadda War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay:-
- in Booqashadda Madaxweyne Farmaajo tahay mid lagu xoojinayo Xiriirka Labada Dowladood ee Somalia iyo Ethiopia.
- Inuu labada dal in si xor ah dhaqdhaqaaq ganacsi uu dhex maro.
- Dowlada Ethiopia oo soo dhoweysay qorshaha dowlada Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo sii xoojinta dagaalada ururka Al-Shabaab.
- labada dal oo isku aragti ka noqday sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada Soomaaliya loona diyaariyo in ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.
- In ciidamada Booliska la xoojiyo isla markaana la kordhiyo la dagalaanka burcad badeeda ka soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya.
- Iskaashi laga yeesho sidii abaaraha loogaga hortagi lahaa.
- In shirka London uu noqdo mid ay Soomalidu leedahay iyo qodobo kale.
 Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Ethiopia, Haile Mariam Desalegn waxau si wadajir ah u qabteen Shir Jaraa’id oo ay kaga hadleen natiijadda Kulankooda iyo sida ay Labada Dowladood uga go’an tahay Xoojinta Xiriirka labada dal iyo in laga shaqeeyo Ammaanka Labada Waddan.
©Radio Dalsan