Madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxay shalay soo gebagebeeyeen Shirkii bishan January 24-dii uga furmay magaalladda Muqdisho ee looga hadlayey Nidaamka Doorashadda ee sannadkan.
Dowladda Federalka ayaa marti-gelisay Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Mahad Cawad, Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, K/galbeed iyo Galmudug, Wasiiro iyo Ergooyin ka kala socday Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda xubnaha ka ah Federalka Somalia.
Kulankaasi oo socday muddo 2 maalmood, waxay Hoggaamiyayaasha Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda sii wadeen qorshahooda Wada-xaajoodka lagu sii ambaqaaday Shirkii Wada-tashiga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Kismaayo, waxaana la sameeyey dadaal kasta si Heshiis Tanaasul leh loogagaaro Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka iyo Xaqiijinta Qorshahaasi.
Haddaba, gunaanadkii Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray Jadwalka Shaqo oo Nidaamka ugu wanaagsan ee loo qaban karo Doorashooyinka sannadkan 2016-ka.
War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkaasi ayaa waxa lagu soo bandhigay Nidaamka Doorashadda Kuraaska Barlamaanka iyo Tirooyinka loo qoondeeyey Maamul-gobaleedyadda.
Aqalka Hoose ee Barlamaanka (Lower House of Parliament):
- Tiradda Kuraasta Barlamaanka ee Aqalka Hoose waxa uu noqon doonaa 275 Kursi.
- Kuraasta Aqalka Hoose waxaa lagu soo xuli doonaa Nidaamka 4.5
- Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.
Aqalka Sare ee Barlamaanka:
- Aqalka Sare ee Barlamaanka waa in la dhisaa ka hor Nidaaminta Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
- Aqalka Sare waxa uu ka koobnaan doonaan 54 xubnood.
- 48 xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka (Somaliland, Puntland, Galmudug, K/Galbeed, Jubbaland iyo Maamul-gobaleedka Hiraan iyo Shabellada Dhexe).
- Lixda xubin oo ka soo haray xubnaha Barlamaanka Aqalka Sare waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Somaliland iyo Puntland, iyadoo laga duulayo  Heerka Siyaasadda iyo iyagoo ay ku yaallaan Goballadda ugu badan ee Somalia.
- Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.
- Xubnaha Aqaalka Sare ee Barlamaanka waa in lagu doortaa Shirarka Golayaasha Barlamaan-gobaleedyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Federalka iyo kuwa dhismi doona.
Dhinaca kale, Â Dowladda Federalka waxay Ugu dambayntii, uga mahad-celinaysaa Madaxda Dowlad-gobaleedyadda, Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka dadaalkooda ku aadan inuu dalka Somalia horey u dhaqaaqo.
War-murtiyeedka ka soo baxay Dowladda Federalka Somalia waxaa lagu caddeeyey in Heshiiska Nidaamka Doorashada uu cabir u noqon karo Doorashadda sannadkan iyo in horey loo eego maalinta ay Ummadda Soomaaliyeed .
Dowladda waxay sheegtay in Heshiiskan Doorashada noqon doono qiyaasta sannadka 2016-ka iyo maalinta ay dadkeenna xaqa inay codeeyaan.
Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyeen War Murtiyeedka laga soo saaray Nidaamka Doorashadda ee bisha September ka dhici doona dalka Somalia.
©Radio Dalsan  Â