Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa maanta war murtiyeed dhoor qodob ka kooban ka soo saaray kuraasta ka banaan Xildhibaanada baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyada oo sidoo kale Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta banaan ee Xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya.
War murtiyeedka goloha soo saaray ayaa lagu sheegay in cadaadis muddo Goluhu uga imaanayay beelaha kuraasta banaan xaqa  uleh, isla markaana ay soo baxday go’aan Maxkamadda sare ay soo saartay kaasi oo dib loogu sii dhigayo xilligii loo qorsheeyay qabsoomidda doorashooyinka kuraasta banaan.
Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha kuraastaas uu gudbiyo cabasho ku aadan inuu jiro musuq maasuq saameyn ku yeesha natiijada doorashada Kuraasta banaan.
Halkaan Ka Aqriso War Murtiyeedka Golaha.