Kooxo ku hubeesnaa bustoolado ayaa goordhow qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay ruux la sheegay in uu ahaa Shacab.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Xawa-taako ee degmada Wadajir waxaana lagu sheegay qofka la dilay in uu ahaa qof Shacab ah in kastoo weli aysan jirin cid xaqiijisay.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la shegay in ay ahaayen ilaa Sadax Ruux waxanaWarar soo baxaya  ay sheegayaan in mid kamid ah Sadaxdaas la dilay islamarkaana Ciidamo goobta ku sugnaa ay rasaas ku fureen.
Qof kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in xaaladu iminka ay tahay mid degan balse ciidamadu ay wadaan howlgalo.
Wixii ku soo kordha kala socdWa radiodalsan.com