Guddoomiyaha Baarlamaanka doowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Gacal Nuur  ayaa shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmi doono 27 Bishaan Agoosto oo ku beegan Khamiista soo socota, isla markaana waxaa Khudbad ka jeedin doono Madaxweyne Qoorqoor.
Sidoo kale Qoraalka Guddoomiyaha ayaa waxaa dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas loogu baaqay in ugu dambeyn Magaalada Dhuusamareeb ay kusoo xaadiraan 26-ka Agoosto.
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa laga dalbaday inay soo gudbiyaan warbixinta howlihii Kal-fadhigii Koowaad ee Golaha iyo qorshayaasha ay u dajiyeen Kal-fadhiga 2-aad.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Gacal.