Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya ee Alberto Vecchi.
Kulanka ayaa looga hadlay dardar-ginta Biyo-xereenka Magaalada Baladweyne oo Mashruucaas ay fulineyso dowladda Talyaaniga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee Wabiga Shabelle ku sameeyo halkaas.
Sidoo kale Talyaaniga ayaa balan qaaday in bishaan November 2020 gudaheedeeda ay bilaabi doonaan biyo-xireenka Baladweyne, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga Shabeelle, isla markaana Injineero la geyn doono halkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey dowladda Talyaaniga la saxiixatay mashruuca lagu dhisayo Biyo xireenka Baladweyne, waxaana Mashruucaas uu isugu jiraa dhisme biyo xireen iyo dayactir, iyadoo lix Milyan oo Yuuro ku baxeyso Mashruucaas.