Waa Tijaabadii ugu horreysay ee ay sameeyaan, tan iyo markii la soo doortay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Ilo Milliteri oo Maraykanka iyo Koonfurta Kuurya ayaa sheegay inuusan Gantaalkaasi ahayn nooca isaga kala goosha Qaaradaha. Sida laga dheehday ridada Gantaalkaasi.
Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa sheegtay in la xaqiijinayo haddii uu Gantaalkaasi ahaa nooca MUSUDAN, kaasi oo wax ka duqeyn kara masaafo dhan 3,000 oo KM.
Waqooyiga Kuurya waxay Gantaalka MUSUDAN tijaabiyeen 8-jeer sannadkii hore, inkastoo inta badan Tijaabooyinkaasi lagu guul-daraystay.
Tijaabadan ayaa timid, xilli ay Madxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Ra’isul-wasaaraha Japan, Shjnzo Abe kulan casho ah ku lahaayeen Deegaanka loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago.
©Radio Dalsan