Milliteriga dalkaasi waxay saakayto Gantaal Balaastik ah ku tijaabiyeen meel dhanka Waqooyiga kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.
Waa Gantaalkii 4-aad ee tijaabadiisa lagu fashimay tan iyo bishii March ee la soo dhaafay.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Gantaalka Waqooyiga Kuurya ee fashilmay noociisu ahaa KN 17 ee Ridada Dhexe, kaasi oo burburay wax yar kadib markii la ganay.
Milliteriga Koonfurta Kuurya ayaa iyagana sheegay in Gantaalkaasi laga ganay Gobalka PUCHANG, isla markaana uu burburay dhowr daqiiqo kadib, markii uu gaaray fogaan dhan 71-KM.
Dhinaca kale, Tijaabadda saakayto ayaa timid iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rex Tillerson uga digay Golaha Ammaanka ee QM haddii ay ku guuldaraystaan Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya inay taasi horseedi karto Cawaaqib masiibo ah.
©Radio Dalsan