Saraakiil Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay tijaabadaasi qeyb ka tahay Barnaamijka ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya ku hormarinayaan Gantaalladda Isaga kala gudbi kara Qaaradaha ee loo yaqaano intercontinental ballistic missiles.
Tijaabadan ugu dambaysa oo dhacday Jimcihii la soo dhaafay ayaa timid iyadoo bilowgii bisshan la tijaabiyey Matoorka Gantaalladda.
Warbaahinta Rasmiga ee Waqooyiga Kuurya ayaa sheegay inuu Matoorkaasi taageero ka geysanaayo Awoodda lagu gani karo Gantaal-xambaaraha Dayax-gacmeedka iyo inay Tijaabadaasi tahay qaabka cusub ee Matooradda Gantaalladda ridada dheer.
©Radio Dalsan