Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta kusii qul qulaya wufuud kala duwan o ka socota dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiin,kuwaas oo doonaya in Maalinta sabtida ah ay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland.
Xubnaha dowladda Federaalka ka socda ee Maanta garoowe gaaray ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,Wasiirada Dhalinyarada & Ciyaaraha iyo Waxbarashada, Wasiiro ku xigeeno Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed & Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.
Garoonka diyaaradaha Magalada Garoowe waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Xildhibaan Cabdi Xakiin Maxamed Axmed(dhooba daareed) Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland.
Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cuusb ee Maamulka Puntland ee sabtida lagu qabanayo Magalada Garoowe ayaa ka duwan xafladihii hore,waxaana isugu tagaya mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala aragti duwan.