Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa gor dhow ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde.
Wafdiga madaxeynaha ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada London oo ay uga qeyb galeen shirkii arrimaha Soomaaliya oo ay marti galisay dowladda Ingiriiska.
Shirkii London ee 11-kii bishaan ayaa looga hadlay arrimaha, Siyaasada,Amniga, Dhaqaalaha iyo qodobo kale, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ka soo baxay shirkaasi.