Waxaa goor dhaweyd xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumada ay sagootiyeen wafdi oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xiriirka kubada cadta ee Africa oo shalay yimid Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyayada iyo cayaaraha Axmed Cumar ayaa warbaahinta u sheegay inay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si nabad ah ku sagootiyeen wafidga,waxaana uu yiri “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, runtii 16-ka bishii hore ayaa la doortay, waxaana uu balan qaaday in safarkiisa ugu horeeya uu ku imaanayo Muqdisho, runtiina waa uu ka dhabeeyay, haddana waxaan ka sagootinay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Caddeâ€
Inta uu joogay Muqdisho guddoomiyaha CAF waxaa uu kulamo la qaatay madaxda dowladda, isagoo xalay guddoomiye Jawaari iyo wasiiro ka mid ah xukuumada kula kulmay xarunta madaxtooyda.