Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade si weyn ugu soo dhaweeyay isimada Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Ethaipia.
Isimada la soo dhaweeyay ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii kala duwanreed ee garoonka kusoo dhaweeysay iyadoo booqa shadaani ay qeyb ka tahay da’daalada loogu jiro xoojinta nabadeenta Soomaaliya iyo isku soo dhawaan shaha umada Soomaaliyeed.
Islaan ciise islaan Maxamed islaan muuse oo kamid ah isimada la soo dhaweeyay ayaa warbaahinta la hadlay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda ay diyaar u yihiin soo dhaweynta isimada Muqdisho soo gaaray.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS ayaa ka hadlay talaabadan ay Muqdisho kusoo gaareen isimada Puntuland iyo isimada dowlad deegaanka soomalida Ethaipia.