Wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda oo Maanta ah lagu wadaa inay gaaran Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi Kaniif, waxaana socdaalka ku wehlinaya Saraakiil dhawaan loo magacaabay Taliska Booliska Galmudug.
Warar laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in haatan ay socoto qaban-qaabo lagu soo dhaweeynayo wafdiga ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha kale.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xilka ay si rasmi ah uga wareegan Saraakiishii dhawaan loo magacaabay Taliska guud ee Booliska Galmudug iyo Taliyeyaasha kale oo loo magacaabay Saldhiga Booliska deegmooyin dhowr ah oo katirsan Galmudug.