Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG u ah Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wajahan wafdi kale oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii shalay halkaas ay gaareen Wafdi ka socday dowladda.
Wafdiga Maanta kusii jeeda Cadaado ayaa isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda,iyagoo saacadaha soo socda la filayo inay gaaraan Magaaladaas.
Ujeedka Wafdigan ka socda dowladd Magaalada Cadaado u tegayaan ayaa waxaa uu yahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo arrimaha la xiriira Doorashada Galmudug.
Sidoo kale inta halkaasi ay ku sugan yihiin Wafdiga dowladda ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqan Cadaado.
Shalay gelinkii dambe ayaa Magaalada Cadaado ayaa waxaa gaaray Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari,iyagoona kulan la qaatay Madaxweyne Xaaf oo isna xalay halkaasi gaaray.