Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay wararka sheegaya ina Wafdi ka socda Dowladda Sacuudiga ku soo wajahan yihiin magaalladda Tehran.
Socdaalkaasi ayaa imanaya wax ka yar 2 sanno, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga xiriirka u jartay Iiraan, sababo la xiriira weerarkii ay Dibadbaxayaasha u dhashay Iiraaan ku burburiyeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaa magaalladda Tehran iyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhashay Colaada dalka Yemen.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Bahram Qaasimi ayaa manta xaqiiyey socdaalka Wafdiga Sacuudiga.
Wargeyska maalinlaha ee ALJARIIDA ee ka soo baxa dalka iiraan ayaa horey u qoray inay Wafdigaasi booqan doonaan Iiraan, marka laga gudbo Munaasabadda maalmaha Ciiddul-adxa oo maanta la soo gebagebeynayo.
Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Wafdiga Sacuudiga booqan doonaan Dhismayaasha Diplomaasiyadeed ee Sacuudiga ku leeyihiin Iiraan.
Booqashadaasi ayaa la qorsheynayey inay dhacdo 2 bilood ka hor, balse Khilaaf taagan ayaa waxay Saraakiisha Iiraan go’aansdeen in la hakiyo Socdaalkaasi.
Dowladda Sacuudiga waxay dalka Iiraan xiriirka u jartay bishii Jauary ee sanaddkii hore, kadib, markii Dibadbaxyo ka dhacay Safaaradooda ku taalla Iiraan iyo Qunsuliyadda magaalladda Mash-had, oo looga soo horjeeday go’aankii Sacuudiga ku dileen Sheekh Nimri Al-nimir
Xiriirka Diplomaasiyadeed waxaa kaloo xumeeyey Is-buurashadii Xujeyda ee 2-sanno ka hor ka dhacday Deegaanka Mina oo u dhow Magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen Kumanaan Xujey oo ay ku jireen boqolaal u dhashay dalka Iitaan.
Dhinaca kale, Wargeyska ALJARIIDA waxa uu qoray in Wafdi ka socda Dowladda Iiraan ay booqan doonaan Sacuudiga marka ay Wafdiga Sacuudiga dhamaystaan booqashadda ay ku tegi doonaan Iiraan.