Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgduud ahna Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug waxaa Maanta gaaray Wefdi ka socda Qaramada Midoobay.
Wefdigaan ujeedka uu u tegay Magaalada Duusa Mareeb ayaa lagu sheegay in indha-idnheyn ay ku sameynayaan Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb oo ay doonayaan in ay dayactir ku sameeyaan.
Garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb ayaa waxaa wefdiga kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca si ay uga wada hadlaan dhismaha Garoonka oo u xayirnaa khilaafka Ahlusuna kala dhaxeeyay Maamulka Galmudug.
Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee dhuusa Mareeb ayaan sirasmi ah u Shaqeyn mudo laba Sano ah,waxana la filayaa in wefdigan ka socda Qaramada Midoobay in ay dayactir ku sameeyaan taas oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo Gobolada Dhexe.