“Ra’iisul Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobayâ€, ayay tiri Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisul wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.