Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladd Goboleedka Puntland Cabdi Casiis Cabdulaaahi Cusmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha  Wakiilada ayaa safar ku tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur-Galbeed.
Safarka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo xildhibaannadda Golaha Wakiillada maamul Goboleedka Puntland  ee Baydhabo ayaa ah mid ay uga qeyb-galayaan Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Koonfur-Galbeed.
Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa wefdiga Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa ku sii sagootiyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka.
Horay waxa Baydhaba u gaaray Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana markii uu ka qayb galay shirkii muqdisho ka dhacay ee dowladda ferderaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu u amba baxay Magaalada Baydhaab, halkaasi oo uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka konnfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Mxamed Lafta Gareen.