Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa inay gaaraan wafdi ka socda dowladda Malaawi, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaaladaas.
Wafdiga ka socda dalka Malawi ee tegaya Hargeysa ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaas Francis Kasaila iyo xubno kale, iyagoona sida uu qorshahu yahay tegi doona halkaas saacadaha soo socda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wasiir Francis Kasaila uu kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaadan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayna ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan.
Lama oga Ujeedka safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malawi Francis Kasaila uu tegayo Magaalada Hargeysa, hayeeshee waxaa la tilmaamay in socdaalkiisa uu yahay mid la xiriira Arrimo siyaasadeed.