Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray Wafdi ka socda Baarlamaanka dowladda Uganda, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.
Wafdigan Xildhibaanada ee ka socda Uganda ayaa waxaa hogaaminayay Wasiiru dowlaha Difaaca dalkaas Col. Charles Engole Okello iyo Guddoomiyaha Gudiga Difaaca ee Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Uganda Doreen Amule.
Ujeedka Wafdigan ay usoo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay sidii ay qiimeyn ugu sameeyn lahaayeen Ciidanka Uganda ee ka jooga Soomaaliya, isla markaana qeybta ah ka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Xildhibaanada Muqdisho ayaa waxaa ay booqasho ku tegi doonaan Xarumaha Ciidamada Uganda, iyagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Saraakiisha iyo Ciidanka Uganda.
Wafdigan uu hogaaminayo Col. Charles Engole Okello ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntii Wafdigan ka socda Baarlamaanka dowladda Uganda ayaa Magaalada Muqdisho booqasho ku joogi doona Muddo todobaad ah, isla markaana waxaa ay bilaabi doonaan qorshihii ay usoo gaareen Caasimadda dalka ee Muqdisho, iyagoona intaas kadib dib ugu laaban doona dalkooda.