Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dalka Masar uga qeyb galay shirka 5-aad Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika oo sanad kasta la qabta.
Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Qaahira ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin caqabadaha la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran iyo caddaalada elektroonik ah ( E-Justice).
Madaxda ka qeyb gashay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha Dasruuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhaqanka wanaagsan ee Garsoorka iyo caddaaladda doorashooyinka la xiriira.
“Kulanka waxa looga hadlayaa caqabadaha la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justice)” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya.
Garyqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kulan qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb gashay Shirkii ka dhacay halkaas.