Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Guddoomiye Xaliimo Ibraahim Xiliimo Yareey iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
Ujeedka wafdigan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay arrimo la xiriira howlaha Doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Arrimaha Doorashooyinka ay kala hadli doonto Maamulka Gobolka Galgaduud iyo kan Degmada Dhuusamareeb.
Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdigaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Buslahada halkaas ku dhaqan.
Guddiga Madaxabananaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maalmihii u danbeeya ku hawlanaa la kulanka bulshada qaybeheeda kala duwan.