Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray dalka India kuwaas oo qorshohoodu yahay sidii ay ulasoo wareegi lahaayeen Maxaabiis Soomaaliyeed oo halkaasi ku xiran.
Masuuliyiintaan ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Arimah Dibadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar,waxa ayna haatan kulamo kala duwan la leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda India.
Maanta ayaa la filayaa in booqdaan Saldhigayada ay ku xiran yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed,iyaga oo u kuurgalaya xaaladooda Caafimad.
Golaha Wasiirada dowladda India ayaa horay u ansixiyay qorshaha soo wareejinta Maxaabiista Soomaaliyeed Gudahad Dalkooda kadib wadahadalo dhex maray masuuliyiin ka tirsan labada dal.