Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda howlaha guud ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Aadan Macalin ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Wafdigaan oo qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Wasaaradda howlaha guud ee Xukuumadda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Dhuusamareeb iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Galmudug.
Ujeedka Wasiir Maxamed Aadan Macalin iyo wafdiga la socday ayaa waxaa uu yahay dhagax dhiga wadada laamiga ee isku xirta Magaalooyinka iyo Gaalkacyo, taa oo ah mid fududeynaysa isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Wasiirka Wasaaradda howlaha guud ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in dhismaha wadada xiriirisa labada magaalo uu yahay mid muhiim ah, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka iyo Ganacsiga
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa maalmo kahor gaaray wafdi ka socday dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, waxaana wafdigaas ay kormeer ku tageen Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Galmudug.