Wasiirka  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heerka caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga ayaa markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madax ka tirsan Hay’addo Caalami ah oo halkaas ka howlgala.
Sidoo kale Wafdiga Wasiirka  Caafimaadka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin ka socota Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hay’adda UNICEF.
Wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha Caafimaad ee deegaannada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,kadib markii Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya dhawaan uu ku amray hay’addaha dowladda iyo kuwa Caalamiga ah inay tegaan halkaas.