Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda ee Xarunta Maamulka Galmudug.
James Swan ayaa waxaa socdaalka ku welinaya Xubno sare oo ka tirsan Beesha Caalamka iyo Saraakiil ka socota Taliska Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo Dhuusamareeb tegaya saacadaha soo socda.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee James Swan iyo xubnaha welinaya ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in James Swan uu sigaar ah Madaxweyne Qoorqoor uu kala hadli doono Arrimo ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa ee 2020/2021 heshiiskana laga gaaray iyo xaaladda guud ee deegaanada Galmudug.
Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday Beesha Caalamka ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyagoona kulan al qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicsiis Lafta-gareen.