Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiir Goodax Bare ayaa waxaa wafdigiisa kamid ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda   iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Baraawe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaas iyo xubno kale.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Bare ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka ay Baraawe u tageen uu yahay sidii ay uga dhagax dhigi lahaayeen Mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada.
Sidoo kale Wafdigan ayaa hordhac u ah Safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maanta uu ku tegi doono Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow lagu soo dhaweeynayo Madaxweynaha.
Ujeedka Madaxweyne Farmaajo u tagayo Magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inuu xariga kaga jari doono Garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhawaan lagu sameeyay dib u dayactir ballaaran gaar ahaan runwayga ay diyaaradaha ku degaan.
Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu dhagax dhigi doonaa Mashaariic horumarineed oo laga hergelin doono Baraawe, waxaana kamid ah Iskuulo waxbarasho iyo Goobo kale oo muhiim u ah Bulshada.