Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa gaaray wafdi hordhac u ah safar Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaaladaasi Baydhabo.
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminayay wafdiga tagay Baydhabo, waxaana qeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka, Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan.
Wafdigan gaaray magaalada Baydhabo ayaa hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri lagu wado in uu gaaro magaalada Baydhabo, halkaa uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.
Shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb galo furitaanka shirkaasi.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu xalin doonaa khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan a Al-shabaab, ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay.