Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa wafdi uu hoggaaminayay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan la socday Xildhibaan Kabaale ayaa isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqmeedyo iyo xubno kale oo ka ambabaxay Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.
Wafdigaan ayaa Magaalada Jowhar u tegay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen sii amba qaadida ololaha Doorashada Maamulka Hirshabeelle iyo dadaalada loogu jiro soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaaas.
Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo Odayaasha ayaa kulan la qaadan doona Odayaasha dhaqanka, Madax ka tirsan Maamulka iyo Guddiga soo xulista ah Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.
Magaallada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maalmo kahor gaaray qaar kamid ah Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Hirshabeelle, siyaasiyiin, Musharixiin kala duwan, waxaana Jowhar ka socda Ololaha Doorashada Maamulkaas.