Deegano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa Saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay laba Maleeshiyo Beeleed,kuwaas oo horay dhowr mar u wada dagaalamay.
Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labadii maleeshiyo ee wada dagaalamay sida ay radio Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Masuuliyiin uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa haatan ku sugan degmada Cadale si ay u xaliyaan dagaal Beeleedyadaas.
Axmed meyre Makaraan gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa Dalsan u sheegay in maanta uu dhici doono kulamo kala duwan oo ay la qaadan doonaan Waxgaradka Degmada Cadale si ay uga hadlaan xalinta dagaal beeleedyadaas oo ah kuwo soo laab laabtay.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya degmada Cadale ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan balse la filankaro in Maleeshiyaadkaas ay wada dagaalamaan maadaama aysan jirin cid kala qaaday