Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeydiid oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo oo Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay Khasaaro kala duwan.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo socday saacado dhowr ah ayna maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac isdhaafsanayeen, wallow uu dagaaka duhurnimadii Maanta istaagay.
Ujeedka uu Senator Cabdi qeydiid iyo wafdiga la socday u tageen deegaanka taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sidii loo kala dhex geli lahaa maleeshiyo beeleedka halkaas ku dagaalamaya.
Sidoo kale wafdiga ayaa la sheegay in saacadaha soo socda deegaanka taaroge ay ka bilaabi doonaan wada-hadalo lagu doonayo in lagu joojiyo Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka, iyadoona dhowr jeer oo horey la isku dayay in la xaliyo colaada.
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka 5 qof kalena dhaawac Culus uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo, waxaana dagaalka la xusay inuu salka ku haayo dhul-daaqsimeed iyo dilal la xiriira aano qabiil.