Inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad xiran,iyada oo dadka ay cagtooda maalayaan.
Ciidamada dowladda soomaaliya ayaa lagu arkayaa Wadooyinka muhiimka ah sida Maka-Almukarama iyo Wadnaha, iyaga oo Gawaarida u diidaya in ay Wadooyinkaas isticmaalaan.
Shirka Amniga Qaranka ayaa galay wajigiisa labaad,waxaana dhanka kale maanta qorshuhu yahay in uu shir kale furmo taas oo keentay in Wadooyinka Maalintii labaad ay xirnaadaan.
Ammaanka Guud ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay,waxaana xusid mudan in Ardayda qaarkood Maalintii labaad aysan aadin Goobahooda waxbarashada maadaama Waaberigi hore ee saakay Wadooyinka la xiray.
Qaar a mid ah dadka cagtooda maalaya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in tani ay tahay dhibaato isla markaana dowladda ay ka dalbanayaan in Wadooyinka loo furo.