Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maalintii labaad xiray Wadooyin ka mid ah kuwa Muqdisho walow Gelinkii dambe ee shalay Wadooyinkaas dib loo furay hadana saakay markale ay ciidamadu xireen waooyin kale.
Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sigaar ah Wadooyin aan horay looga baran in la xiro ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Amniga gaar ahaan kuwa xasilinta oo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya in ay isticmaalaan.
Wadooyinka sida gaarka ah loo xiray waxaa ka mid ah Isgoyska Sanca ilaa Siinaay,waxana la’arkayaa in dadku ay dhammaantod saakay cagtooda maalayaan.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xirnaanshaha wadadaasay dhibaato ku noqotay maadaama qaar ka mid ah Caruurtooda aysan Maanta aadin Goobahooda waxbarashada.