Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa Maanta dhagax dhigay wadada ka bilaabata Ex Hotel Shabeelle ee sii marta Beerta Nabadda ilaa iyo isbitaalka Martiini.
Dhagax dhigida uu sameeyay Axmed Xasan ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.
Wadadan maanta la dhagax dhigay ayaa in 30-kii sano ee lasoo dhaafay aheyd mid burbursan, waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in dib u dayactirka lagu sameeynayo wadada uu muhiim u yahay isu socodka dadka iyo Gaadiidka.
Qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa sanadihii lasoo dhaafay dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wali jira wadooyin badan oo dib u dhis lagu sameyn ayna dhibaato ku qabaan dadka iyo gaadiidka.