Waaxda Gaashaanigga Maraykanka (The Pentagon) ayaa ku dhawaaqay inay kordhin doonaan taageeradda ay siiyaan DFS, haddii ay ka soo codsadaan arrintaasi.
Hadalkaasi ayaa soo baxay kadib, qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300 oo qof.
“Waan u diyaar garownay inaan taageerno DFS, isla marka ay naga codsadaan†ayuu yiri Afhayeenka Pantagonka. Oo intaasi ku daray inay qorsheynayaan waxa ay ku taageeri karaan DFS.
Milliteriga Maraykanka waxaa Somalia ka jooga 400-Askari, kuwaasi oo Tababar, La-talin,Hawlgelin iyo Taageero Loojistiko ah siiyaan Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Hadalka ka soo baxay Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa ku soo beegmay iyadoo uu Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi shaaciyey in qaar ka mdi ah Muwaadiniintooda ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday Qarixii vilowga Isbuucan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalladdan Muqdisho.