Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay Guddiga baarista ee uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Maxamed Waare oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee uu xilsaaray baarista kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil ay yihiin kuwo carqalad ku ah Cadaaladda.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare ayaa Guddigaas ku tilmaamay inuu yahay mid siyaasadeysan oo aan Cadaalad aheyn, isla markaana rajo xun ka muujiyay baarista ay ku sameeyn doonaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay Guddi qaran oo baaris ah u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana Guddigaas hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona Farmaajo sheegay in kiiska Ikraan uu yahay mid xasaasi ah.
Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in tallaabadan loo arki karo in Madaxweynaha labo ujeeddo ka leeyahay, kuwaasoo kala ah inuu kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan kale oo ah inuu isaga meyro eeddaha maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil.