Jonathan Ryan waa Qareen dhanka Socdaalka ah, waxuu gacanta ku hayaa caseska 80 qof oo African u badan oo 60 ka mid ahna ay Somalia yhiin, kuwaas oo ku xiran Xabsi ku yaalo gobolka Texas.
Qareen Ryan ayaa sheegay in xarumaha lagu hayo dadkii dhowaanahan laga qabqabtey guddaha dalkan Mareykanka iyo qaar ka mid ah kuwii diyaarad qaaddey laga soo celiyey dalka Senegal ay hadda ku noolyhiin tacadiyo loogu geysto xabsiyada dhexdooda.
Qareenka ayaa sheegay in 60 ruux ay ku jiraan Xabsiga Magalada Tex,kuwaas oo marar kala duwan loo kala bedelay Xabsiyo kala duwan,waxana ku jira kuwa qaarkood ay diyaarad soo celisay,iyo wiil mudo Isbuuc ah kaliya la haayo.
Qareenka ayaa sheegay in dadkaas loo geysto xadgudubyo xaga xuquuqda Aadanaha ah oo ay ku jiraan garaacis, aflagaado- Sharaf dil iyo falal maskax ahaanba wax loogu dhimayo.
Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhibaato soo wajahday markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka Donal Trumd,waxana Soomaaliya ay ku jirtaa 7 Dal oo Muslimiin ah kuwaas oo laga mamnuucay dadkooda in ay galaan Mareykanka.