Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Huldooyaale oo dhanka bari ka xiga Gobolka Mudug oo shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maleeshiyaadkii dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dagaalka ku geeriyooday 10 qof, halka in ka badan 30 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Mudug, iyadoo dadkii gurmadka sameeynayay ay sheegeen inay ku adkaatay soo qaadida dhaawacyada, maadaama aaga laga agdhawaan waayay, dagaalkuna ahaa mid xoogan.
Dadka deegaanka Huldooyaale ayaa soo sheegaya in saaka uusan socon dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleedka, in kastoo weli ay isku hor-fadhiyaan halkii shalay uu ku dhexmaray dagaalkii xooganaa oo la isku adeegsada hubka noocaydiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka iyo Colaaada soo cusboonaatay, waxaana la tilmaamay in dagaalkii dhacay uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-dhaaqsimeedyo.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaanka Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro.