Waxaa saakay xaalad daganaasho ah oo aan cago badan ku taagneyn ka jirtaa deegaanka Kabxanleey ee duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo shalay ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in saaka wax rasaas ah aan laga maqleyn Kabxanleey oo xaalad ay degan tahay, hayeeshee labada maleeshiyaad ay isku hor-fadhiyaan deegaankaas, ayna ku kala sugan yihiin halka ay joogeen.
Warar la helayo ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu kala qaado maleeshiyo beeleedka Colaada dhexmartay, isla markaana heshiis la dhex dhigo, lana joojiyo dagaalka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawca ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay deegaanka Kabxanleey ee duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana la xaqiijiyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 10 qof, halka 15 kalena ay dhaawacmeen.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyo beeleedka dagaalamay, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah, waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.