Ururrada Bulshada Rayidka ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray hadaladii kasoo kala yeeray Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta ku taagan qabashada xilka Madaxweynaha, kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen.
Qoraal kasoo baxay Ururrada Bulshada Rayidka ayaa waxaa marka hore lagu sheegay inay ka waalacsan yihiin hadalada ka soo yeeray siyaasiyiinta, isla markaana welwel ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed.
Ururrada Bulshada ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo xaalad degan oo dalka ay uga dhici karaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo tan Madaxtinimada dalka, ayna arrintaas ka shaqeyn doonaan.
Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka ayaa Musharaxiinta iyo Madaxda dowladda ugu baaqay inay tixgeliyaan xaalada dalka ku jiro, in ololahooda doorashada u wajahaan si Mas’uuliyad ku dhisan, si looga waantoobo wax kasta oo keeni kara degenaansho la’aan.
Ururrada ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta xasilooni siyaasadeed ee dalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Ururrada Bulshada Rayidka.