Ururka NUSOJ waxay soo saareen Qoraal ay ku ayidayaan go’aaanka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku xayiray 35 Shabakado Wareed (News Websites), kuwaasi oo Ururka NUSOJ rumeysan yihiin inay Khatar rasmi ah ku hayeen Ammaanka iyo Nabad-qabka Suxufiyiinta.
NUSOJ waxay kaloo soo dhaweynayaan Baraitaanka ay qaadeen Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ka soo horjeeda Shaqsiyaadka Warbaahinta u adeegsada Qalab xoog loogu adeegsado in dadka lagu cabsi-geliyo, loogana qaato dadka lacago laaluush ah.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxay kaloo ugu baaqeen Dowladda Federalka inay si degdeg ah Tallaabo Sharci ah uga qaadaan Omar Faruk Osman iyo Dahir Abdulle Alasow oo iyagu ah Milkiilayaasha muhiimka ee maareeya waxa lagu qoray Websaytayadaasi.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee NUSOJ oo ku saxiixnaa War-saxaafadeedkaasi waxa uu sheegay inaysan marnaba u oggolaan odonin kuwa sheeganayo Warbaahinta Somalia ee abuurayo khatar iyo in dhibaato la geliyo Nolosha dad aan waxba galabsanin iyo Suufiyiinta.
Waxa kaloo uu xusay inay u tagaan yihiin sidii loo difaaci lahaa Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda Xorta iyo in si wadajir looga hortago nooc kasta oo Warbaahineed oo lagu cabsi gelin karo Nabadda iyo Ammaanka, xilli ay foodda nagu soo hayso Waqti adag oo la sugayo Doorashooyinka sannadka 2016-ka.
© Radio Dalsan