Hadal-qoraal oo ay Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Caalamka ka soo saareen magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia iyo dalalka kale ee Geeska Afrika.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay in ka badan 17 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, Djibouti, Eretria, Ethiopia, Kenya, South Sudan, Sudan and Uganda. saamaysay Macluusha iyo Abaaraha ay sababeen Roobabkii oo yaraaday.
Qoraalka waxaa lagu xusay in Xafiis-gobaledka OIC ee Somalia ee u qaabilsan  Xiriirinta Hawlaha Samafalka iyo Horumarinta ku qiyaasat in ku-dhawaad 50,000 oo qof ka soo barakaceen Tuullooyinka ay Abaaruhu saamayeen, kuwaasi oo haatan ku sugan magaalladda Muqdisho, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Luuq, Beled-weyne, Cadaado, Cabud-waaq, Jariiban iyo Dhuusamareeb.
Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Caalamka ee OIC waxay ka digeen gaabiska Hawlaha Samafalka oo ay sheegtay in loo baahan yahay in Tallaabo degdeg ah la qaado, loona gurmado dadka ku tabaalaysan Somalia.
Dhinaca kale, Ururka OIC waxay ka codsadeen Beesha Caalamka, Dowladaha xubnaha ka ah OIC inay kordhiyaan dadaalka lagu taageerayo dadka dhibaatada kala kulmay Abaaraha iyo Macluusha.
Qoraalka ka soo baxay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Caalamka waxaa kaloo lagu xusay  in Xafiiska OIC ee Somalia diyaar u yahay  inay Beesha Caalamka iyo dalalka saaxiibadda kala shaqeeyaan Hawlaha Samafalka si looga hortago inysan Somalia ka dillaacin Abaartii dhacday sannadkii 2011-kii, kuna geeriyoodeen 260,000 oo qof.
©Radio Dalsan