War qoraal oo ah oo ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay ku taari doonaan sidii ay uga mid noqon laheyn Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.
Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa tilmaamay in xooga ay saari doonaan sidii Jabuuti ku heli laheyn Kursigaas,isla markaana ay gacan weyn ka geysan doonaan arrintaasi,kaasi oo kula tartameyso dowladda Kenya.
Jabuuti ayaa waxaa kamid ah dowladaha ku jiray Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC,halka aysan ku jirin dowladda Kenya,
Todobaadkii hore Codeyn ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa Kenya ay Jabuuti uga guuleystay kamid noqoshada Kursiga aan joogtada ahayn ee Bariga Afrika ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.