Magaalada Beydhabo ee caasimadda gobalka baay waxaa ka dhisan urur Seddex Iyo toban jirsaday oo ay ku mideysan- yihiin qaar kamida haweenka ku nool Deegaannada maamul gobaleedka koofur galbeed, kuwaas oo la soo kulmay qoys Bur-bur.
Najmo mo,alin Mohamed รย waa guddomiyaha ururka haweenkan oo ay รย รย ku Mideysan-yihiin haween รย tiro ahaan garaya ilaa 900 oo haween ah sida ay Sheegtana Wax badan ayaa ka hirgalay ujeedadooyinkii loo sameyay ururkan.
รขโฌหรขโฌห Marka hore ururkan waxaan u sammeynay in lagu mideeyo dumarka La Soo kulmay qoys bur-bur ama furriin,in ay isku taakuleeyaan,
รขโฌยayeey tiri Najmo.รขโฌย
900 runtii waa tiro aad u badan waxayna tusaale ka bixineysaa heerka uu marayo furriinka iyo burburka qoysas Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool baydhabo, laakiin waxaan u aragnaa in ay tahay arrin dhiirogalin leh marka ay dumarku isku yimaadaan si ay isaga kaashadaan horumarinta noloshooda.
รขโฌลTusaale Gabdha furiinkeeda marka uu cusub yahayรย la telin ayaan usameynaa Saan gurigeeda ugu celino, midda ninkeeda dhinteyna waan soo dhoweyna waana Dhiirigelinaa oo ganacsiyo yar yar ayaan u abuurnaa intaan lacag iska uruurinno Niyad dhisna aan ugu sammeyno si iyada oo isku kalsoon ay carruurteeda u korsatoรขโฌย ayeey ku raacisay.
Sheekooyin ka dhiirigalinta leh waxaa kamid ah in haween ururkan kamid ahaa ay guursadeen mar kale, hadda nolol wanaagsan ayey ku jiraan sababtoo ah intii ay nala joogeen ayaan talooyin badan siinay sida ugu wanaagsan ee loola noolaan kale lamaanaha, taas waxay u horseeday in ay reerkooda si wanaagsan ugu noolaadaan, iskana ilaaliyaan furriin iyo reerku uu ka burburo.
Dhinaca kale Sheekh ibraahimรย oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa Sheegay In is caawinaaddaรย iyo iskaashiga dumarkan ay wanaagsan-tahay,hase Yeeshee Laga habbonaa magacan ay qaateen.
รขโฌลWey fiicantahay haddii la is caawinaayo laakiin in magac la sameysto qol la ijaarto oo wax noocas ah sameystaan oo bug ayaa lafuraaa waa la iska warqabaa hadey tahay waa laga roon yahay iyagoo aan is sasoo shaacin oo si qarsoodi ah isku caawiyaan ayaa facan.รขโฌโขรขโฌโข Ayuu yiri.
Duruufaha guud ee dalka ka jira ka sokow, waxaa jira culeysyo iyo caqabado u Gaar ah dumarka kali-nimada ku koriya carruurta sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo ah รย hooyo xooggeeda ku korisa รย shan caruruur ah.
รขโฌหรขโฌหLabo sano ayaan garoob ahay waxan haystaa shan caruur ah waxan ku Shaqeeyaa dhar dhaqow, dhismaha guryaha, intaas iyo wixii lamid ahรย ayaanรย Carruurteyda ku korsadaa, runtii weyna culus tahay in aad kaligaa koriso Carruurรขโฌย Ayeey tiri Xaawo.
Dhinaca kale labada qof ee isasa soo aragsado hadey noo imaadan duruuftaas nahaysato na dhaan waan caawinaa oo waan isu guurinaa waxaana kala telinaanin markale gurigooda aan ka dumin oo isku nagaadaanรขโฌโขรขโฌโข
รขโฌหรขโฌหlabo sanno ayaan garoob ahay waxan haystaa shan caruur ah waxan ku shaqeeyaa dhar dhaqow, guri dhoobow intaas iyo wixii lamid ahรย ayaa caruurteyda xoogeyga ku korsadaa ,iyaalkan aaba la,aanta uma fiicana oo waa dhib ciyaal aabo laaan la koriyo รขโฌโขรขโฌโข
Shaqada ururkan kaliya mahan taakuleyn iyo iskaashi dhexmara haweenka uu ka So bur-buro guryaha,hase yeeshee waxaa jirta wacyi-galin iyo la talin loo Sameeyo haweenka si loo baajiyo bur-bur qoyska ku yimaada.
รขโฌหรขโฌหSacdiyo Diinoow Xasan ayaa kamid ah haweennkaas waxayna tiri waxaan ka mid haana jirey ururka garoobadaรย koonfur galbeed laakin hada waan guursadey waxaana dib ugu laabtey caruurteyda aabahood oo markii hore is af garan waa nagu dhacay balse ururkan ayaa garab igu siiyey inaan caruurteyda oo ah 6 ah iyo Ninkeyga dib ula midoobo ayey tiriรขโฌโขรขโฌโข
Hadda nolol degan ayaan ku noolahay, waan ku farax sanahay inaan dib ula midoobay ninkeygii hore, waa u mahadcelinayaa ururkan maadaama ay taageereen nolosheyda.