Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa sheegtay inuusan jirin wax Heshiis ah oo ay Dowladda Maraykanka kula galeen in la is-dhaafsado Dembiilayaasha.
Haweeneyda u dhalatay dalka Urdun oo lagu magacaabo Axlaam  Axmed Al-tamiimi, taasi oo lagu eedeynayo inay ka dambaysay qarax ka dhacay Baar ku yaalla magaalladda Quddus-ta La-haysto sannadkii 2001-dii, kuna geeriyoodeen 13 qof oo Yuhuud ahaa iyo  2 u dhalatay Maraykanka.
Waxaa kaloo qaraxasi ku dhawacmay in ka badan 120-qof.
Shabakadda Wararka Milliteriga Urdu nee Hala Akhbaar ayaa lagu qoray in Axlaam Ahmed Al-tamiimi rumeysan tahay inuu Garsoorka Urdun noqonayo mid iyada dhowri doono.
Dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa ku eedeyey haweeneydaasi inay ka dmbysy Is-qarxintasi
©Radio Dalsan