Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF waxay munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Carruurta abaal marin guddoonsiiyey Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed, kaasi oo Qaxooti ahaan ugu nool dalka Giriigga.
Hay’adda UNICEF waxay Maxamed ku guddoonsiiyeydalka Giriigga  Abaalmarinta “Lambros Kanellepoulesâ€, kadib, markii la qiimeeyey Kartidiisa iyo Taageeradda dhinaca Turjumaadda ee uu ku caawiyo Samafalayaasha iyo dadka Qaxootiga.
Wiilkaasi oo 13 jir ah ayaa ku hadli kara 6 Luqadood, wuxuuna noqday Gacanta Midig ee Dadka iskooda isku xil-qaamay ee taageera Qaxootiga ku sugan gudaha dalka Giriigga.
Waxa uu si caadi ah Samafalayaasha taageera  Qaxootiga ugula shaqeeya Turjumaan ahaan.
Wiilkaasi yar waxaa la sheegay inuu Luqadaha Ajnabiga ka bartay isagoo si gaar ah u dhegeysta Dadka Caawiya Qaxootiga iyo qaar ka mid ah Dadka Qaxootiga ee uu la nool yahay.
Luqadda Giriigga ayaa la sheegay inuu ku bartay muddo 6 bilood oo keliya.
Maxamed iyo Hooyadiisa iyo 5 carruur oo la dhalatay waxay 3 sanno ka hor ku noolaayeen dalka Turkiga, wuxuuna Luqadaha Turkishka iyo Englishka ku bartay inta ay ku jireen Xeradda Qaxootiga iyo marka uuy la ciyaarayey carruurta Qaxootiga ee ka soo jeeda dalalka kale.
Xigasho: Balkaneu
©Radio Dalsan