Ugu yaraan 24,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa iskooda uga soo laabtay Xeradda Dhadhaab tan iyo markii ay Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR kala saxiixdeen Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa sanadkii 2014-kii, sidaas waxaa sheegay Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR u joogta Kenya, Wella Kouyou.
Isagoo ka hadlayey Munaasabad lagu furay Saldhigga Korantadda ee Xerada Dhadhaab, waxa uu carrabka ku dhuftay in sannadkan oo keliya inay 18,000 oo Qaxooti Somali ah iskooda dib uguy laabteen dalkooda hooyo.
Waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adda UNHCR kala sii shaqayn doonaan Dowladda Kenya inay Qaxootiga iskooda ugu laabtaan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay hubin doonaan inay is-feer socdaan Barnaamijka Dib-u-celinta Qaxootiga iyo Horumarka laga gaaro Qaxootiga iskooda ugu laabanaya Somalia.
Bilowgii sannadkan, Dowladda Kenya waxay sheegtay inay bisha November xiri doonaan Xeradda Dhadhaab, oo ay ku tilmaamtay inay gabaad ka dhigtaan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
 ©Radio Dalsan