Qoraalka Toddobaadlaha ayey Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku sheegtay inay tobankii maalmood ee la soo dhaafay dhinaca Safarka ka taageereen 1,836 Qaxooti Somali ah sidii ay iskooda ugu soo laaban lahaayeen dalkooda Hooyo.
UNHCR waxay kaloo sheegtay labadii sanno ee la so odhaafay inay dib u soo laabteen 61,665 Qaxooti Somali ah, tan iyo markii Barnaamijka Dib-u-soo-celinta Qaxootiga iskooda u go’aansada inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo la bilaabay bishii December ee sanndkii 2014-kii.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey in 22,351 Qaxooti ah ay dib ugu soo laabteen Somalia sannadkan 2017-kii.
Dhinaca kale, Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay haatan is-diiwan geiiyeen 20,991 Qxooti Somali ah, kuwaasi oo si iskooda ah u codsaday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.
UNHCR waxay kaloo sheegtay inay Qaxooti ku soo laabanayo magaallooyinka Muqdisho iyo Kismaayo u fududeeyeen Duullimaadyadda Diyaaradaha.
©Radio Dalsan